Agaasimaha Guud ee Caafimaadka Jubbaland oo Daahfuray Tababar Lagu Horumarinayo Caafimaadka Hooyada iyo Dhallaanka

0
166
Agasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Dowlada Jubaland, mudane Maxamed Xuseen Maxamed, ayaa si rasmi ah u daahfuray tababar 4 maalmood soconaya oo ku saabsan horumarinta caafimaadka hooyada iyo dhallaanka.
Tababarka waxaa goob-joog ka ahaa iskuduwaha caafimaadka degmada Kismayo, Maxamed Sheekh Aadan, iyo mas’uuliyiin kale oo ay ka mid yihiin Dr Said Xuseen iyo Dr Cabdimajiid Saciid, iyadoo ay sidoo kale ka qeyb galeen howlwadeennada caafimaadka ee degmada kismaayo iyo deegaanada ku hareereysan.
Tababarka ayaa diiradda lagu saaray kor u qaadidda aqoonta iyo xirfadaha shaqaalaha caafimaadka, hagaajinta adeegyada uurka iyo dhalmada, yareynta khataraha hooyada iyo dhallaanka, iyo wacyigelinta bulshada.
Ujeeddada tababarka ayaa ah in la xoojiyo tayada adeegyada caafimaadka si loo yareeyo dhimashada iyo xanuunnada hooyada iyo carruurta.