Guddiga Joogtada ah ee Golaha Wakiilada Jubbaland oo kullan ka yeeshay shaqooyinka horyaala Baarlamaanka Jubbaland .

87

Guddiga Joogtada ah ee Baarlamaanka Jubbaland oo yeeshay kullan gaar ah ayaa waxaa ay kaga arinsanayeen qodobada horu tabinta leh ee lagama maarmaanka ah in laga doodo.

Waxaa Fadhiga kullanka goob joog ka ahaa Gudoomiyaha guud ee Golaha wakiilada Jubbaland Mudane sheikh Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan iyo Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Mudane Cabdi Baaleey.

Guddiga ayaa isku raacey in kullanka intaan laga balaariyo oo maalinka barito ah oo ay taariikhdu ku beegan tahay 15-may la isigu yeero dhammaan Golaha wakiilada ee Jubbaland si qodobada hor tabinta leh looga doodo .

Gudoomiyaha gudiga hab dhowrka ee Baarlamaanka Jubbaland Mudane shukri wayrax kaariye oo kullanka kadib saaxaafada dibada kula hadlay ayaa faahfaahiyay waxyaabahii uu daaranaa kullankii maanta ee Gudiga joogtada ah ee Golaha wakiilada Jubbaland ay yeesheen.