Wasaaradda Tamarta & Kheyraadka Biyaha Jubbaland oo Kismaayo ku qabatay Munaasabad lagu xusayo Maalinta Biyaha Adduunka

0
195
Waxaa  xarunta dhexe ee Wasaaradda Tamarta & Kheyraadka Biyaha Dowlada Jubaland ka qabsoomay Munaasabad lagu weyneynaayo Maalinta Biyaha Adduunka taasi oo sanadkiiba halmar la qabto.
Munaasabada ayaa waxaa kasoo qeybgalay Masuuliyiin isugu jiro Wasiiro, Xildhibaano, Odayaasha dhaqanka, Ururka haweenka, Qeybaha kala duwan ee Bulshada, iyo xubno ka mid ah shirkadaha Ka howlgala magaalada kismaayo.
Ugu Horayn waxaa Goobta kahadlay Agaasimaha Guud ee Wasaarada Tamarta & Kheyraadka Biyaha Dowlada Jubaland isago sheegay maanta waxa ay wasaradu u dabaal Dagayso Tahay Malinka calimiga ah ee Biyaha.
Sido kale wasiirka Wasaarada Tamarta & Kheyraadka Biyaha Dowlada Jubaland Baraki ayaa goobta kaso jediyay khudbad kusabsan malintta Biyaha aduunka laga xuso.