Madaxwaynaha Koonfur Galbeed oo Magacabay Gudiga Doorashada Ee Dowlada Goboleedkaas.

0
149

Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa magacaabay guddiga xuduudaha iyo doorashooyinka ee maamulkaas,
Guddigan oo ka kooban 9 xubnood ayaa waxaa guddoomiye looga dhigay Shuceyb Nuur Xuseen, iyada oo la faray inuu si deg-deg ah u howlgalo, isla markaana uu guda-galo waajibaadka shaqo ee loo igmaday.
Ujeedada dhismaha guddigan ayaa ah inuu si gaar ah uga shaqeeyo doorashada golaha wakiillada Koonfur Galbeed iyo midda madaxweynaha oo la fiyo in dhawaan ay ka bilaabto koonfur galbeed Soomaaliya.
Afhayeenka koonfur galbeed soomalia ayaa warbaahinta u akhiraiuayay xubnaha gudiga.