Madaxwaynihii hore ee dalka Mali Ibrahim Keita oo la dhigay Isbitaal.

170

Muddo aan badnayn ka dib  markii laga soo daayey 10-maalmood oo  uu ku xidhnaa xabsi ku yaala dalka Maali  oo ay ku soo rogeen hoggaamiyeyaashii Afgambiga milateriga kula wareegay talada dalkaas ayaa  Guddiga Qaranka ee Badbaadinta dadka waxaa ay sii daayeen Madaxweynihii  hore xilka laga qaaday ee Mali Ibrahim Boubacar Keita waxaa la dhigay isbitaal gaar loo leeyahay oo ku yaala Bamako, Mali.

Nouhoum Sarr, oo ka mid ah hoggaamiyeyaasha “M5 Rally for Movement for Patriotic Forces” ayaa walaac ka muujiyey xaalada cafimaad xumo ee la soo daristay madaxwaynaha dalkaasi Maali,waxaana uu sheegay in khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya hogaamiyaasha ciidanka ee dalkaasi Mali iyo xanuunka haya madaxwaynaha ay kala tahay labba arin,waxaana uu intaas ku daray Ibrahim Boubacar uu yahay nin wadani ah oo dalkiisa jecel, cafimaadna uu u rajaynaayo .

Wasiirkii hore ee Mali, Bandiougou Bidia Doucoure, sidoo kale wuxuu sheegay Ereyo kooban.

“dadka reer Mali waa inaysan aqbalin madaxwaynaha (IBK)uu halkaan ku dhinto.Lix bilood ka dib marka ay aqbalaan in uu aado meesha halka uu doonayo in lagu daaweeyo,cidina ma rajeynayso geeri”

Mucaaradka M5 waxay ku baaqeen iscasilaadda Keita iyadoo loo marayo banaanbaxyo dadweyne muddo seddex bilood ah ka hor inta uusan afgembiga arkin.

Xaaladda 75 jirkan ayaanan si dhakhso leh loo ogeyn, mana kala cadda in dibedda loo qaadi doono si xaaladdiisa caafimaad loola tacaalo.

Keita, oo markii ugu horreysay la doortay waxaa ay ahayd  2013-kii,  saddex sano ayaa  uga harsaneyd mudda xileedkiisa, mark a askarta qaar ay ku xireen gurigiisa ka dib markii ay rasaas ku fureen banaanka guriga.

Saacado ka dib, wuxuu ka soo muuqday barnaamij saqdii dhexe laga sii daayay telefeshinka qaranka, isagoo dadka reer Mali ku wargelinaya go’aankiisa ah inuu si deg deg ah xilka uga degayo si aan dhiig badan ugu daadan xukunkiisa.