
Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbadalka Cimilada Jubbaland mudane Caydiid Suleymaan Xaashi ayaa xarigga ka jaray xarun dhirta lagu kaydiyo oo Greenhouse ah taas oo lagu kaydiyay kumanaan nooc oo dhir looguna talagalay in deegaanada Jubbaland lagu beero dhirtan si ay qayb uga qaadato ololaha cagaarinta ee ay Wasaaraddu waddo.
Wasiirka ayaa munaasabadan waxaa kala qaybgalay Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Wasiir ku xigeenka Beeraha, Wasiir ku xigeenka Xanaanada Xoolaha Jubbaland Agaasimaha guud ee Wasaaradda Deegaanka, Xildhibaano iyo madax ka socotay Hay’adda GIZ oo iyadu mashruucan greenhouse-ka ah hirgalisay
Masuuliyiinta ayaa xarig jarka kadib kormeeray xarunta oo lagu beeray kumanaan nooc oo dhir ah, iyagoo si wayn ugu riyaaqay madaxdii Wasiirka Deegaanka la socday.
Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Masuuliyiinta kale ayaa dhir badan u qaybiyay dadka deegaanka Buulo-bartire kuwas oo loogu talagalay in ay guryahooda ku beertaan, Wasiirka ayaana sheegay in dhirtan dadka ree Jubbaland loo qaybin doono si ay u munaafacaadsadaan.
Wasiirka iyo wafdigiisa qayb dhirta kamid ah ku beeray mid kamid ah xarumaha ay Wasaaradda Deegaanka ku leedahay deegaanka Buulo-bartire iyadoo ay tan muujinayso sida ay Wasaaradda Deegaanka uga go’antahay hirgalinta ololaha deegaan cagaaran.




![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







