
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Dowladda Jubbaland, Mudane Maxamed Cusmaan Jaamac, oo uu wehliyo Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Jubbaland (JUCRI), Mudane Cali Aadan Cali, ayaa maanta daahfuray deeq raashiin gargaar ah oo ay Boqortooyada Sucuudiga ugu deeqday 4,020 qoys oo ka mid ah dadka ay abaartu saameysay ee ku dhaqan deegaannada Jubbaland.
Qaybta koowaad ee deeqdan ayaa loo qaybiyay 3,020 qoys oo ku nool deegaanka Luglow ee waqooyiga magaalada Kismaayo.
Deeqdan ayaa imaanaysa xilli abaar aad u daran ay ka jirto deegaannada Jubbaland, iyadoo la og yahay in abaartu si weyn u saameysay dhulka ay Soomaalidu dagto dhan.
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gargaarka Jubbaland, Mudane Maxamed Cusmaan Jaamac, ayaa u mahadceliyey Xarunta Boqor Salmaan oo kaashanaysa hay’adda wadaniga ah ee Tadamun Social Society, wuxuuna ku baaqay in la kordhiyo taageerada la gaarsiinayo dadka ay abaartu saameysay, si loo helo xal waara oo lagu yareeyo dhibaatooyinka ka dhashay abaarta.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







