Wasiirka Tamarta Ukraine oo sheegay in Ciidamada Ruushka ay qabsadeen Warshadda Nukliyeerka Zaporizhia

677

Iyadoo maalintii 14-aad uu socda  Duulaanka uu Ruushka ku qaaday dalka Ukraine, ayuu Wasiirka Tamarta Ukraine Herman Halushenko,  ku eedeeyay Ciidamada Ruushka, in maanta oo Arbaca ah, ay ciidamada Ruushka fafal xun ka geeysteen  warshadda tamarta Nukliyeerka ee Zaporizhia, oo ku taalla koonfurta-bari ee dalkaasi.

Qoraal uu Wasiirka soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayuu ku sheegay in Ciidamada Ruushku ay ku khasbeen Shaqaalaha Warshadda in qiraal qasab ah ay qirtaan,  taasi oo lagu magac xumeeynaayo Waddamada Yurub.

Wasiirka ayaa intaa ku daray in ilaa 500 oo Askata Ruushka ah ay galeen gudaha Warshadda tamarta Nukliyeerka ee Zaporizhia, halkaas oo ay ka geeysteen dhibatooyin kala duwan.

Ciidamada Ruushka, oo 24-kii bishii Febraayo, bilaabay dagaal milatari oo ay ku qadeen dhulka Ukraine, ayaa la wareegay qeybo ka mid ah dhulka Ukraine.

Duulaanka Moscow, ayaa yimid ka dib markii dalka ay deriska yahiin ay ku eedaysay inuu doonayo inuu helo hub khatar ku ah ammaanka Ruushka