Taliyaha qaybta Boliiska G.Jubada hoose oo kullan daaranaa Iskaashi Lagu Xoojinayo Tababarrada Booliska la qaatayTaliyaha Booliska Sierra Leone iyo Sarkaal ka Socday Qaramada Midoobay (UNPOL)

0
234
Ku-simaha Taliyaha Ciidanka Booliska Dowladda Jubaland, ahna Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Jubada Hoose, Col. Sadik Mohamud Dhogor ayaa  xafiiskiisa ku qaabilay Taliyaha Cutubka Ciidanka Booliska Sierra Leone iyo Walter Santos oo ah sarkaal sare oo ka socday Booliska Qaramada Midoobay (UNPOL).
​Kulankan ayaa ujeedadiisu ahayd dardar-gelinta qorshayaasha lagu dhisayo xirfadda iyo aqoonta Ciidanka Booliska Jubaland, iyadoo diiradda lagu saarayey:
1. In la xoojiyo barnaamijyada tababarrada iyo tayeynta ee la xariira teknoolojiyada.
2. Sidii ay saaxiibada Booliska Sierra Leone u siin lahaayeen Ciidanka Booliska Jubaland gacan dhanka farsamada iyo aqoonta boolisnimada ah.