Gudoomiyaha degaanka baar-asanguuni xuseen axmed jinni ayaa waxa uu ka hadlay xalada degaanka gudoomiyahaayaa sheegay in Degaanku uu u baahan yahay Adeegyada Arimaha bulshada sida Waxbarsho, caafimaad, biyo iyo adeegyo kale oo muhiim u ah Degaanka
Gudoomiyaha oo lahadlayay radio kismaayo codka jubbaland ayaa sheegay in xiligaan baahi ween ay ka jirto deegaanka dhanka noolashana ay aad u liidato
Degaanku hal ceel ayaa ku yaala bulshadana kuma filna ceelkaas ayaa feel loo gala Maalin iyo habeen
Masuuliyiinta Dowlad Goboleedka jubbaland iyo hay,adaha waxaan ka codsaneenaa in gurmad loo sameeyo dadka degan degaanka baar-Sanguuni waxaa sidaasi yiri gudoomiyaha barsanguuni xuseen axmed jinni
Degaanka baar-sanguuni waxa uu ka mid yahay degaanadii ugu dambeyay oo ay dowlad goboleedka jubbaland gacanta ku dhigto waxaana ka hor maamulayay maleeshiyaadka Alshaab oo dhibaato ku hayay shacabka degaanka
Dowlad goboleedka jubbaland ayaa hadda ku dadaaleysa sidii wax loga Qaban lahaa degaanada laga saaro Maleeshiyaadka Alshabaab