
Guddoomiyaha Degmada Afmadow, ahna Duqa Magaalada Cabdiraxmaan Macallin Cali (Xaaji Maaji), ayaa ka qayb galay shir degdeg ah oo diiradda lagu saarayay xaaladaha ugu dambeeyay ee abaaraha iyo saamaynta ay ku yeesheen bulshada, kaas oo lagu qabtay hoolka shirarka Degmada Afmadow.
Shirka waxaa goob-joog ka ahaa maamulka degmada, odayaasha dhaqanka, waxgaradka iyo culimada degmada.
Ugu horrayn, shirka waxaa warbixinno kala duwan ka jeediyay qaar kamid ah odayaasha dhaqanka oo dhawaan booqday deegaano ka tirsan degmada, kuwaas oo qiimeeyay baaxadda abaarta iyo saamaynta ay ku yeelatay deegaanka. Odayaashu waxay muujiyeen walaac xooggan, iyagoo tilmaamay in abaartu aad uga baaxad weyn tahay, kana saamayn ballaaran tahay intii hore loo saadaaliyay.
Ujeeddada shirka oo ahayd u-qareemidda iyo garab-istaagga dadka ay abaaruhu waxyeelleeyeen ee ku dhaqan deegaanada hoos yimaada Degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose, ayaa waxaa hoosta laga xariiqay in mudnaanta la siiyo gurmadka degdegga ah ee dadka sida daran ay abaartu u saameysay. Sidoo kale, waxaa laga dooday baahida loo qabo in bulshada lagu baraarujiyo halista abaarta iyo sidii loo heli lahaa xalal waara oo wax ku ool ah.
Guddoomiyaha Degmada Afmadow, oo la hadlay warbaahinta Dowladda Jubbaland, ayaa baaq u diray hay’adaha gargaarka, Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Jubbaland, si ay gurmad degdeg ah u gaarsiiyaan dadka ay abaartu saameysay, isagoo xusay in la saadaalinayo in biyo-la’aantu ay kasii dari karto bilaha soo socda.









