Wasaaradda Gargaarka dowladda Jubbaland oo Deeq Raashin Gaarsiisay 300 Qoys oo Danyar ah Deegaanka Dooxa Garasey

0
216
Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Dowladda Jubbaland, ayaa  deeq raashin ah gaarsiisay dadka ku nool deegaanka Dooxa Garasey.
Deeqdan oo loogu talagalay in lagu taageero qoysaska danyarta ah ayaa waxaa ka faa’iideystay 300 oo qoys kuwaas oo si gaar ah ugu baahnaa gargaar, maadaama aysan awoodin in ay helaan baahiyaha nololeed ee aasaasiga ah.
Munaasabadda qaybinta deeqda waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Jubbaland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed dhiriq, Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Jubbaland, Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guryeynta, iyo Guddoomiyaha degmada Kismaayo.
Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in deeqdan ay qeyb ka tahay dadaallada dowladda Jubbaland ku xoojinayso taageerada bulshada nugul, ayna sii socon doonaan gargaarrada la gaarsiinayo dadka ku tabaaleysan gudaha Jubbaland, iyadoo lagaashanayo hay’adaha samafalka.