
Maamulka deegaanka Kulbiyow ee hoostaga degmada Badhaadhe ee gobolka Jubada hoose, oo ay hogaaminayaan Saraakiisha Amniga ayaa qaaday talaabo muhiim ah oo dib loogu furayo wadooyinka Halbowlaha u ah isku socodka xaafadaha magaalada.
Waxaa lafuray wadooyinka qaar oo xirmay Kuwaasoo ay adkayd inay maraan gaawarida iyadoo qaar kalena ay xireen dhir badan oo sababtay in wadada ay xiranto, iyadoo kuwa kalena lagu sameeyay ballaarin iyo dib u habayn.
Dadka deegaanka Kulbiyow ayaa soo dhaweeyay tallaabadan iyadoo qof walba markii lasoo gaaro qaybtiisa ka gacan siinayay ciidanka iyo maamulka is garabsanaya.



















