
Wasiirka Wasaaradda Haweenka, Arrimaha Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka Jubbaland, Marwo Cadar Ismaaciil Cabdullaahi, ayaa si rasmi ah u furtay kulan lagu xoojinayo wada-shaqeynta iyo u doodista xuquuqda aadanaha, iyadoo loo marayo Guddiga Xuquuqda Aadanaha ee Wasaaradda, Xeerka iyo Habraacyada Shaqo. Kulankan ayaa diiradda lagu saaray kor u qaadista wacyiga bulshada, ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta, iyo sidii loo dardargelin lahaa habka cabashooyinka iyo u gudbinta adeegyada cadaaladda bulshada. Sidoo kale, waxaa lagu iftiimiyay doorka muhiimka ah ee haweenka iyo bulshada rayidka ah ee ka qeyb qaadashada ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo horumarinta sinnaanta bulshada.













![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







