Wasaaradda Caafimaadka dowladda Jubbaland oo kormeer ku tagtay qaar kamid ah x.caafimaadka deeganada dhaca waqooyiga kismaayo

0
79
Iskuduwaha caafimaadka degmada Kismaayo, Mudane Maxamed Sheekh Aadan, ayaa  booqasho shaqo ku tagay deegaanada Qarsa iyo Darusalaam oo Hoos taga Magaalada Kismaayo ee Xarunta KMGka ee Dowladda Jubbaland.
Ujeeddada Booqashadu waxaa ay ahayd in uu si dhow ugu kuurgalo xaaladda adeegyada caafimaad ee ka jira deegaanadaas, isla markaana qiimeeyo baahiyaha jira si loo helo xalal wax ku ool ah oo lagu horumarin karo adeegyada caafimaad ee bulshada deegaanka.
Booqashada ayaa ka bilaabatay deegaanka Qarsa, gaar ahaan xarunta caafimaadka, halkaas oo uu Iskuduwuhu kula kulmay shaqaalaha xarunta iyo dadweyne ka faa’iideysta adeegyada. Waxaa uu sidoo kale dhageystay talooyin, tabashooyin iyo baahiyo ay muujiyeen dadka deegaanka, isagoo ballan qaaday in cabashooyinkooda si degdeg ah wax looga qaban doono.
Intaa kadib, Iskuduwaha ayaa u gudbay deegaanka Darusalaam, halkaas oo uu kormeer ku sameeyay dhismaha xarun caafimaad oo ay Wasaaradda Caafimaadka Jubaland wado, si bulshada deegaankaas u helaan adeeg caafimaad oo tayo leh. Kormeerkan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu xaqiijinayo helitaanka adeeg caafimaad oo loo siman yahay.