Ogeeysiis ku socda Dhallinta Shaqo-doonka ah

1197

Waxaa la ogeeysiinayaa dhammaan dhalinyarada jecel waxbarashada kuna dhaqan magaalada Muqdisho in hay’adaha SECCCO iyo Shaqadoon ay wada qaban doonaan Tababar ku saabsan Tiknoolijiyadda Soolarka oo lacag la’aan ah, oo ay kaa caawineeyso hay’adda UNDP.

Mashruucan wadajirka ah waxaa loogu talogalay in shaqo abuur ay ku helaan dhalinyarada Soomaaliyeed, waxaana qeyb ka ah hay’adaha Qaramada Midoobay, sida; UNDP, ILO, UN HABITAT iyo UNIDO oo wadashaqeyn ay kala dhexeeyso dowlad goboleedka Jubbaland.

Tababarka waxaa uu bilaaban doonaa 1-da Febraayo, 2019.

Shuruudaha laga doonayo codsadaha;

  1. In ay da’diisu u dhexeeyso 15 – 29 sano jir.
  2. Dhalinyarada Dugsiyada sare ka baxday ayaa si gaar ah loogu dhiirigelinayaa in ay soo codsadaan
  3. In codsadaha uu xaadiro Shaqo Carbinta (Internship-ka)
  4. Codsadaha waxaa lagu dhiirigelin doonaa shaqo carbinta kadib in shaqo lala raadiyo

Fiiro Gaar ah;

Dhalinyarada daneeyneeysa tababarkan waxay la xiriiri karaan xafiisyada SESKO iyo Shaqadoon oo u yaal degmada Kismaayo, xaafadda Farjanno, gaar ahaan Jaamacadda Jubba kasoo horjeedka Shirkadda Somtel. Ama ka wac Teleefon Lambarka ah ; 0619433030

Sidoo kale Foomka codsadashada waxaa ka heli kartaan xarunta wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha Jubbaland ama bogga Internetka ee www.shaqodoon.org/new

Hadaba ogoow codsi qabashadu waxa ay ku egtahay 21 bisha Janaayo 2019, fadlan ka faa’iideeyso fursaddan waxbarasho ee lacag la’aanta ah.