
Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Danab iyo Ciidamada Kumaandooska Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Jubaland ee Gaashaan ayaa xalay fuliyay howlgallo qorsheysan oo ka dhacay Degmada Jilib iyo Deegaanka Hargaysa Yareey ee Gobolka Jubbada Dhexe.
Howlgalladan ayaa lagu bartilmaameedsaday xarumo ay ku sugnaayeen maleeshiyaad iyo horjoogayaal ka tirsanaa Khawaariijta. Sida ay sheegeen saraakiisha hoggaaminaysay howlgallada, cadowga ayaa lagu gaarsiiyay khasaare baaxad leh.
Saraakiishu waxay sidoo kale xaqiijiyeen in howlgalkan oo cirka iyo dhulka ahaa lagu dilay 17 katirsan Khawaariijta isla markana gacanta lagu dhigay tiro kale oo maxabiis ah.
Howlgalladan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu xaqiijinayo amniga, laguna ciribtirayo khawaariijta.









