Wasaaradda waxbarashada Dowladda Jubbaland oo furtay deeq waxbarasho oo gabdhaha u gaar ah

0
84
Agaasimaha Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Jubaland, Mudane Axmed Faarax Cali (Aweys), oo kaashanaya saraakiil ka socotay Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa si rasmi ah u furay imtixaan loogu tartamayo shahaadada Master Degree, kaas oo qeyb ka ah Mashruuca Rajakaaba.
Imtixaankan ayaa waxaa u fariistay gabdho Soomaaliyeed oo ka mid ah ka-faa’iideystayaasha uu mashruucu si gaar ah u taageerayo, ujeeddaduna tahay kor u qaadista ka-qeybgalka haweenka ee tacliinta sare iyo fursadaha waxbarasho ee dalka.
Ujeeddada imtixaanka ayaa ah xulashada gabdhaha ka faa’iideysan doona deeqaha waxbarasho ee mashruuca, iyadoo la raacayo hannaan hufan, caddaalad ah, isla markaana ku saleysan tayada iyo heerarka tacliinta sare.
Imtixaanka waxaa qaadayay khubaro ka socotay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, kuwaas oo hubinayay in imtixaanku u dhaco si waafaqsan nidaamka iyo heerarka tacliinta sare ee dalka.
Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Jubaland ayaa mar kale adkaysay sida ay uga go’an tahay horumarinta waxbarashada iyo hirgelinta mashaariic kor u qaadaya tayada tacliinta sare ee Jubaland.