
Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Dowladda Jubbaland ayaa maanta fulisay xukun dil toogasho ah oo lagu riday Xasan Macallim Ibraahim (Salmaan), oo ka tirsanaa maleeshiyaadka khawaarijta.
Ninkan ayaa lagu qabtay howlgallo ka dhacay deegaanka Barjalle ee gobolka Jubbada Hoose 21/5/2025, isagoo ku jiray dagaal, isla markaana muddo 11 sano ah ka tirsanaa maleeshiyada khawaarijta.
Maxkamaddu, kaddib dhageysiyo dhowr ah, ayay ku heshay dambiyo la xiriira dilal iyo dhibaatayn uu u geystay shacabka.










