
Ciidanka dowladda Jubbaland iyo Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa hawl-gal qorshaysan ka fuliyay deegaanka Canjeel, oo ku taal qiyaastii 50 km waqooyi-bari magaalada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose.
Hawl-galkan ayaa lagu bartilmaameedsaday maleeshiyaadka Khawaarijta ee qorsheynayey falal amni-darro, waxaana ciidamada ku guuleysteen in ay ka hortagaan dhagarta cadowga waxaana ay isla mar ahaantaana ay gacanta ku dhigeen miinooyin lagu waxyeelleyn rabay shacabka deegaanka.
Intii uu hawl-galka socday, waxaa dhacay isku-horimaad kooban, waxaana ciidamada ku khaarijiyeen hal dhagarqabe oo ka tirsan maleeshiyaadka Khawaarijta, halka mid kale nolosha lagu qabtay.
Sidoo kale, ciidamada ayaa gacanta ku dhigay mootooyinkii ay ku socdeen iyo qaraxyadii ay damacsanaayeen in ay ku waxyeelleeyaan shacabka.
Ciidanka dowladda Jubbaland iyo Kumaandooska Danab ayaa sheegay in hawl-galkani uu ahaa mid si guul leh ku dhammaaday, isla markaana si buuxda loogu fashiliyey qorshe khatar ah oo Khawaarijtu u qorsheynayeen gobolka Jubbada Hoose.









