
Madaxweyne Kuxigeenka Koowaad ee Dowladda Jubbaland, Mudane Maxamuud Sayid Aadan, ayaa magaalada Mandera kulan miro-dhal ah kula yeeshay Guddoomiyaha Gobolka Mandera ee dalka Kenya, mas’uuliyiin sare oo ka tirsan labada dhinac, iyo wakiillo ka socday hay’adaha u xilsaaran arrimaha xuduudaha ee Soomaaliya iyo Kenya.
Kulankan ayaa qeyb ka ahaa dadaallada lagu xoojinayo xiriirka iskaashi iyo deris-wanaag ee ka dhexeeya labada dal, gaar ahaan deegaanada xuduudka ee ay wadaagaan.
Kulanka oo si gaar ah diiradda loogu saaray kor u qaadista isu socodka dadka shacabka ah iyo fududeynta dhaqdhaqaaqa ganacsiga, ayaa sidoo kale lagu falanqeeyey sidii si wadajir ah looga shaqeyn lahaa nabadgelyada, xasiloonida, iyo horumarka xuduudaha.
Madaxweyne Ku xigeenku waxa uu adkeeyey muhiimadda ay leedahay iskaashi dhab ah oo ka dhex dhaca hay’adaha amniga ee labada dal, si looga hortago falalka amni-darro, gaar ahaan kuwa ay fuliyaan kooxaha argagixisada.
Waxa uu sheegay in Jubbaland diyaar u tahay wada shaqeyn buuxda oo ay la yeelato Dowladda Kenya si loo xaqiijiyo nabadda dadka ku nool xuduudaha labada dhinac.
Dhinaca kale, Guddoomiyaha Gobolka Mandera ayaa bogaadiyey doorka Jubbaland ee ku aaddan ilaalinta amniga xuduudaha iyo dhiirrigelinta iskaashi derisnimo oo sal adag ku dhisan.
Waxa uu tilmaamay in nabadda xuduudaha ay saldhig u tahay horumar dhaqaale, koboc bulsho iyo kalsooni dhex marta shacabka labada dal.