
Dowladda Hoose ee Degmada Kismaayo, ayaa Xaafadda Calanley ka fulisay olole ballaaran oo nadaafadeed.
Ololahan nadaafadeed ayaa ujeedkiisu ahyed kor u qaadidda nadaafadda guud ee deegaanka, ka hortagga cudurrada ka dhasha qashinka iyo wasakheynta,waxaan bulshada lagu wacyigaliyay muhiimadda ay nadaafaddu u leedahay bilicda, caafimaadka iyo horumarka xaafadda.
Intii uu socday ololaha, waxaa la sameeyey nadiifin guud oo lagu qaaday qashinka yaallay waddooyinka, goobaha dadweynaha iyo hareeraha guryaha, iyadoo sidoo kale la dhiirrigeliyey in la ilaaliyo nadaafadda si joogtada ah.
Masuuliyiinta hoggaaminayey ololaha ayaa bulshada u sheegay muwaadin kastaa uu door ka saaran yahay ilaalinta deegaanka.
Dadweynaha xaafadda Calanley, gaar ahaan dhalinyarada, ayaa si mug leh uga qeyb qaatay ololaha, taasoo muujinaysa iskaashi bulsho iyo dareen wadajir ah oo ku aaddan horumarinta xaafadda. Ka qeybgalka masuuliyiin kale iyo shacabka ayaa muujiyey sida ay muhiim u tahay in la iska kaashado arrimaha nadaafadda iyo ilaalinta deegaanka.
Ugu dambeyn, masuuliyiinta Dowladda Hoose ee Degmada Kismaayo ayaa ku bogaadiyey shacabka xaafadda Calanley sida ay uga qeyb qaateen ololaha, iyagoo ku boorriyey in dadaalladan la sii wado si loo helo deegaan nadiif ah, caafimaad qaba, isla markaana ka tarjumaya bilic iyo horumar waara.










