In ka badan 450 qoys oo kasoo barakacay abaaro iyo dhibaatada khawaarijta oo Afmadow lagu qaabiley.

0
92
In ka badan 450 qoys ayaa ka soo barakacay degmada Xagar ee gobolka Jubbada Hoose, halkaasi oo ay ka jireen dhibaatooyin amni oo ay wadeen Khawaarijta iyo abaaro isbiirsaday. Qoysaskan ayaa  soo gaaray degmada Afmadow ee isla gobolka Jubbada Hoose.
Tirada barakacayaasha ayaa sii kordhaysa, iyadoo qoysas hor leh ay ku soo qulqulayaan kaamamka barakacayaasha ee ku yaalla waqooyiga magaalada Afmadow. Dadkan barakacayaasha ah oo u badan haween, carruur iyo waayeel, ayaa wajahaya xaalad nololeed oo aad u adag, waxaana ka muuqda diif, gaajo iyo harraad ba’an.
Guddoomiyaha degmada Afmadow ayaa sheegay inuu isku xilqaamay dejinta iyo daryeelka qoysaskan, isagoo tilmaamay in maamulka degmada ay u diyaariyeen goob ay ku hoydaan, isla markaana la gaarsiinayo agab gargaar oo isugu jira cunto, biyo iyo baahiyaha aasaasiga ah, inta laga helayo gurmad ballaaran.
Qoysaskan danyarta ah ayaa si weyn u saameeyay abaaraha ka jira guud ahaan dalka Soomaaliya, iyo sidoo kale dhibaataynta joogtada ah ee Khawaarijta ku hayaan shacabka ku nool deegaannada miyiga ah.
Ugu dambayn, barakacayaashan ayaa ugu baaqay maamulka degmada Afmadow, maamulka heer gobol iyo hay’adaha gargaarka in si degdeg ah loo fidiyo gurmad bani’aadamnimo, si wax looga qabto baahiyaha degdegga ah ee ay wajahayaan.