
Afhayeenka Ciidanka Booliska Jubaland, Dhamme Shukri Faarax Ducaale ayaa ka qayb ahaa kulanka billaha ah ee bulshada iyo bahda caddaaladda, oo ay si wadajir ah usoo agaasimeen Wasaaradaha Caddaaladda iyo Amniga Jubbaland.
Intii uu kulanku socday, waxaa si qoto dheer looga wada hadlay guulihii la gaaray sanadkan, iyadoo hay’ad walba ay soo bandhigtay warbixin ku saabsan waxqabadkeeda, caqabadihii jiray iyo fursadaha horumarineed ee la heli karo. Sidoo kale, waxaa diiradda la saaray sida loo xoojin karo wadashaqeynta hay’adaha, loona horumarin karo kulamadan sanadka soo socda, iyada oo si gaar ah loo faahfaahiyey qorshayaasha la hiigsanayo sanadka nagu soo fool leh.









