
Wasaaradda tamarta iyo khayraadka biyaha ee dowladda jubbaland ayaa si rasmi ah u daahfurtay mashruuc muhiim ah oo lagu magacaabo qorshaha badbaadada biyaha ee u adkaysiga isbeddelka cimilada.
Mashruucan, oo ay qeyb ka tahay barnaamijka xoolo-dhaqashada gobolka waxa uu udub dhexaad u yahay dadaallada dowladda jubbaland ay ugu jirto helidda biyo nadiif ah, tayo leh, iyo in bulshada loo dhiso adeegyo waara oo la jaan qaadi kara isbeddelka cimilada.


![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







