Daawada Chloroquine ee Malaariyada malagu daweyn karaa Covid19?

1239

Mudooyinkii u danbeeyay waxaa isa soo tarayay hadalheynta ku aadan in daawada hydroxychloroquine ee loo adeegsado in lagu daweeyo Duumada ama Malaariyada ay dawo u tahay cudurka Covid19, taasoo keentay in daawadan isticmaalkeeda aad ugu bato dunida.

Madaxweynaha Mareeykanka Donald Trump ayaa sheegay in uu isticmaalay dawadaasi, wuxuuna intaa ku daray in dawadaasi ay tahay mid ka hortageeysa cudurka Covid19.

Hadabana hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHOL ayaa arrintaasi kahor timid, waxayna sheegtay in ay baaritaan ku sameyn doonto, balse maanta ayay shaacisay in ay joojisay baaritaankii ay ku sameyneysay dawadaasi.

Ururka Caafimaadka Adduunku ayaa shaaciyay in ay si kumeel gaar ah u joojiyeen Daraasad lagu sameeynayay in Daawada  hydroxychloroquine lagu daweyn karo cudurka Covid19 sababo la xiriira walaac dhanka amniga ah, sida uu sheegay agaasimaha guud ee hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO Tedros Tedros Adhanom Ghebreyesus oo warsaxaafadeed uu ku qabtay magaalada Geneva maalintii Isniinta.

Go’aanka ayaa la gaadhay ka dib markii daraasad indho-indheyn lagu sameeyay oo lagu daabacay joornaalka caafimaadka ee loo yaqaan ‘The Lancet’ oo sharraxaya sida daran ee ay u xanuunsaneed bukaannada Covid-19 ee lagu daaweeyay hydroxychloroquine iyo chloroquine kuwaasoo xaaladooda ay aad halis ugu gashay in ay u dhintaan cudurka.\

Tedros wuxuu sheegay in koox fulin madaxbanaan ay hadda dib u eegeyso adeegsiga hydroxychloroquine ee tijaabada Wadajirka ee WHO. Kooxda fulintu waxay metelaysaa 10 ka mid ah wadamada kaqeyb galaya tijaabada.

Tedros ayaa sheegay in dib u eegistu ay tixgelin siin doonto xogaha ilaa hadda la soo ururiyay, gaar ahaan sidii loo adkeyn lahaa xogaha la heli karo si si wanaagsan loogu qiimeeyo faa’iidooyinka iyo waxyeelada ka iman karta dawadan.

Tijaabada, oo ku lug leh bukaanka in kabadan 400 oo isbitaal oo kuyaal 35 dal ayuu sheegay in ay tahay dadaal cilmi baaris caalami ah oo la doonayo in daawo iyo badbaadi wax ku ool ah loo helo cudurka dilaaga ah ee Covid19.

Tedros wuxuu intaas ku daray “Walaacani wuxuu la xiriiraa isticmaalka hydroxychloroquine iyo chloroquine ee Covid-19,”  isagoo sheegay in ay ka digayaan in dawadan loo adeegsado in lagu daweeyo xanuunka Covid19.

“Waxaan rabaa in aan ku celiyo in dawooyinkan la ogolyahay in si nabdoon loogu isticmaalo bukaannada qaba xanuunnada loo yaaan (Autoimmune Disease) ama Malaariyada.

Arrinta la xiriirta in daawada Hyroxychloroquine ee loo isticmaalo Malariyada ama Duumada lagu daweyn karo cudurka Covid 19 ayaa ahayd mid aad dunida looga hadal hayo, waxayna arrintan sii xoogeysatay markii Madaxweynaha Mareeykanka uu sheegay in uu isticmaalo daawadaasi si uu uga hortago cudurka Covid19.