hanti-dhowrka guud ee jubbaland oo kismaayo ka furay kulan lagu dardargelinayo hirgelinta talooyinka sanadlaha ah

0
86

kulan dabagal iyo wadatashi ah oo lagu qiimeeynayo talooyinkii hanti-dhowrka guud ee Jubbaland ee sanadkii hore ayaa si rasmi ah uga furmay mid ka mid ah hoteelada magaalada kismaayo.

kulankan waxaa soo qaban-qaabiyay xafiiska hanti-dhowrka guud ee jubbaland, waxaana ka soo qayb galay xildhibaano ka tirsan baarlamaanka jubbaland, iyo qaar ka mid ah shaqaalaha wasaaradaha maaliyadda jubbaland.

ujeeddada kulanka ayaa ahayd dib u eegista talooyinkii horay loo soo saaray, dardargelinta hirgelintooda, iyo xoojinta hufnaanta, isla xisaabtanka iyo maamul wanaagga hay’adaha dowliga ah.

ugu horeyn, agaasimaha guud ee xafiiska hanti-dhowrka guud jubbaland aadan xareed cali ayaa furay kulanka, isaga oo xusay muhiimada ay leedahay in la dabagalo talooyinka sanadlaha ah si loo xaqiijiyo isla xisaabtan dhab ah.

ugu dambeyn gudoomiyaha gudiga maaliyadda golaha wakiilada jubbaland cabdirashiid diiriye cismaan oo goobta ka hadlay ayaa bogaadiyay dadaalka hanti-dhowrka ee ku saleeysan isla xisaabtanka, ugu dambeyn wuxuu baaqay in la adkeeyo nidaamka maaliyadeed iyo daahfurnaanta dowladnimo iyo isla xisaabtanka.