Gudoomiyaha Doolow Mohamed Hussein Abdi lafeey oo tababar u soo xiray ciidamo ka tirsan Daraawiishta Jubbaland

0
251
Gudoomiyaha Doolow Mohamed Hussein Abdi lafeey ayaa  tababar u soo xiray ciidamo ka tirsan Ciidanka Daraawiishta Jubbaland, kuwaasi oo bilihii lasoo dhaafay tababar kumaandoos ah uga socday Degmada Doolow ee Gobalka Gedo.
Gudoomiyaha ayaa u hambalyeeyay Ciidammada maanta tababarka dhammeystay, waxaana uu kula dardaarmay in dalkooda iyo dadkooda ay ugu shaqeeyaan casharradii iyo tababarkii ay qaateen, iyagoo kaalin muhim ah ka qaadanaya sugida amniga, xoreynta deegaannada cadowgu haysto iyo ilaalinta Dowladnimada Jubbaland.
Ugu danbayntii Gudoomiye lafeey ayaa si gaar ah ugu mahadceliyay hoggaanka ciidanka gaar ahaan Taliyaha amniga Doolow Mohamed Hassan Buulle oo uu ku ammaanay hoggaan hufan, isku-duubni iyo daacadnimo uu kaga miro-dhaliyay waajibaadka Hay’addaha Sirdoonka iyo ciidanka Daraawishta Jubaland.
Munasabadda waxaa ka qeybgalay Gudoomiye kuxigeenka Doolow, Saraakiisha amniga, Mareeyaha Garoonka diyaaradaha, Madaxa xariirka Hay’addaha, xoghayaha xafiiska Madaxweyne kuxigeenka Dowladda Jubbaland iyo Gudoomiyaha xafadda Qansaxleey.