Ciidanka Darawiishta Jubbaland oo howgal ka sameeyey galbeedka Magaalada Kismaayo.

828

Ciidamada darawishta Jubbaland ayaa waxaa ay sameeyeen howlgalo looga hortagayo Kooxa Argagixisada AL-shabaab iyo Daacish.

Howlgalkaan oo shalay galinkii danbe ka dhacay Galbeedka magaalada Kismaayo sida Tuulooyinka Yaaqbari wayne,Farey iyo Tuulooyin kale oo hoostaga deegaanka Cabdalla Biroole.

Gaashale  Aaden Cabdiqadir oo ka mid ah ciidamada darawishta Jubbaland ee ku sugaan jiida  hore ee deeganka Cabdalla Biroole ayaa ka warbixiyey sida uu howlgalka qorshaynaa uu u dhacay.

Gaashalaha oo hadlkisa si wata ayaa shegay in howlgalkaan aysan waxa qasaro ah soo garan dhinaca Ciidanka daraawish-ta Jubbaland,waxana uu xusay in ciimada ay burburiyey saldhigyo qarsoodiya oo ay lahaayeen kooxda Al-shabab