Madaxweynaha Dowladda Jubaland oo kullan gaara la yeeshay Golaha Wasiirrada Dowladda Jubaland

0
274
Madaxweynaha Dowladda Jubaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa  shir-guddoomiyay kulan gaar ah oo ay yeesheen Golaha Wasiirrada Dowladda Jubaland, kaas oo lagaga hadlay arrimo muhiim ah oo ay ka mid yihiin xaaladda amniga, duruufaha abaaraha, iyo qodobo kale oo mudnaan gaar ah leh.
Ugu horrayn, Golaha Wasiirradu waxay si wadajir ah ugu mahadceliyeen shacabka reer Jubaland, gaar ahaan dadweynaha Magaalada Kismaayo, sida milgaha iyo maamuuska leh ee ay u soo dhaweeyeen marti-sharaftii ka qayb-gashay Shirkii Golaha Mustaqbalka Soomaaliya, kaas oo dhawaan ka qabsoomay Magaalada Kismaayo.
Sidoo kale, kulanka waxaa warbixin faahfaahsan laga dhagaystay Guddiga Gurmadka Abaaraha iyo Ka-jawaabista Xaaladaha Bani’aadannimo, kuwaas oo Golaha la wadaagay halka ay marayso shaqada gurmadka, heerka ay abaartu gaartay, iyo caqabadaha jira ee ka taagan qaar ka mid ah deegaannada Jubaland.
Dhanka kale, Wasaaradda Amniga Gudaha ayaa Golaha ka siisay warbixin ku saabsan xaaladda amniga guud ee Jubaland, iyadoo ay tilmaantay guulaha wax ku-oolka ah ee ay wadajir u gaareen Ciidamada Jubaland, Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, iyo saaxiibada caalamiga ah, kuwaas oo ka dhan ah Khawaariijta, lagana fuliyay deegaanno ka tirsan Gobolka Jubada Hoose.
Ugu dambayntii, Wasaaradda Biyaha, Tamarta iyo Macdanta ayaa Golaha uga warbixisay halka uu marayo mashruuca biyaha lagu gaarsiinayo Magaalada Kismaayo, kaas oo biyaha laga soo jiidayo Wabiga Jubba, gaar ahaan deegaanka Yoontooy. Wasaaraddu waxay xaqiijisay in shaqooyinka mashruucu marayaan meel wanaagsan, isla markaana dhawaan la filayo natiijooyin wax ku ool ah oo wax ka tari doona baahida biyaha ee magaalada Kismaayo.