
Howlgal Qorsheesnaa oo lagu jabiyay kooxaha Khawaarijta ayaa Saacadihii lasoo dhaafay ka socday Deegaanada ku dhow Kamsuuma oo 90km u jirta Kismaayi.
Howlgaladan oo ay si wada jir ah u fuliyeen inta badan Ciidamada kala duwan ee Jubbaland sida Nabadsugida, Madaxtooyada, Booliska gaarka ah, Daraawiishta, iyo Ciidanka Xoogga Dalka Sida Taliska 43aad, iyo Danab ayaa ahaa kuwo lagu jabiyay laguna naafeeyay Cadowga.
Dadka Deegaanadii la xoreeyay ku noolaa ayaa si ween usoo dhaweeyay Ciidamada waxaana Wajiyadooda ka muuqday Farxada iyo sida ay ugu Baahanyihiin Nidaamka Dowliga ah, balse ay dhibaateeyeen Cadowga Umada Soomaaliyeed
Wajiyadooda waxaa ka muuqatay Diifta iyo dhibaatadi ay u geesteen kooxaha arxanlaawayaasha ah ee Khawaarijta kuwaasi oo Dadka Rayidka ah u daran dhibaatana ku haya.
Deegaanadii ay Heeriyada Cadowga ka dulqaadeen Ciidamada Geesiyaasha ah waxaa kamid ah Maana moofa, fagaan, mugaamboow, Mashaqo illaa deegaanka Kamsuuma.
Saraakiisha Ciidamada Dowladda Jubbaland ahaa sheegay in ku dhawaad Boqol kamid ah Argagixisada ay dileen sidoo kalana ay dhaawaceen tiro intaas ka badan.
Neecaawda Dowladnimo ayey heleen Dadbadan oo ku hoos jiray Gumeeysiga Cadowga ee Khawaarijta.
Dowladda Jubbaland ayaa u balanqaaday Dadkaasi in ay gaarsiin doonaan Gurmad dag dag ah si loo caawiyo Dadkeena ay dhibaateeyeen Cadowga.
Howlgaladan oo ahaa kuwo guuleestay ayaa la filayaa in ay sii socdaan si loo wiiqo Awooda Khawaarijta.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







