
Agaasimaha Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Dowladda Jubbaland, oo ay weheliyaan Sheekh Cali Nuur iyo mas’uuliyiin kale, ayaa si rasmi ah xarigga uga jaray masaajid cusub oo laga dhisay magaalada Kismaayo, gaar ahaan xaafadda Dalxiiska.
Munaasabaddan oo si heer sare ah loo agaasimay ayaa ahayd mid ay ka muuqatay farxad iyo mahadnaq ay bulshada deegaanku u muujiyeen dhammaan cidda walba oo ka qeyb qaadatay dhismaha masaajidka.
Qaar ka mid ah odayaasha deegaanka iyo guddiga masaajidka ayaa si qoto dheer uga hadlay muhiimadda uu masaajidkani u leeyahay bulshada ku dhaqan Dalxiiska, iyagoo xusay inuu yahay goob muhiim u ah isu imaanshaha bulshada iyo barashada diinta Islaamka.
Sheekh Cali Nuur, oo ka mid ah culimada waaweyn ee magaalada Kismaayo, ayaa isaguna sheegay in masaajidkani noqon doono meel lagu barbaarin doono jiilka cusub si ay u yeeshaan akhlaaq wanaagsan, garasho diini ah, iyo ku dhegganaansho diinta.
Agaasimaha Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ayaa dhankiisa sheegay in masaajidkani uu qeyb ka yahay dadaallada ay Wasaaraddu ugu jirto kor u qaadidda adeegyada diimeed ee Jubbaland, lana doonayo in uu noqdo xarun waxbarasho iyo mid lagu xoojiyo wadajirka bulshada.
Munaasabadda ayaa kusoo gabagabowday duco iyo dardaaran ku wajahan sidii bulshada xaafadda Dalxiiska ay uga faa’iideysan lahayd masaajidka cusub, ugana shaqeyn lahaayeen ilaalintiisa iyo joogteynta cibaadada.
Ugu dambeyn, mas’uuliyiinta ayaa ballan qaaday inay sii wadi doonaan dhismaha goobaha diimeed ee gobolka si loo xoojiyo horumarka diinta Islaamka iyo midnimada bulshada.




