Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlada Jubaland oo doolow kulan muhiima kula qaatay Xildhibaano katirsan BFS

0
93
Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlada Jubaland Mudane Maxamad Sayid Aadan ayaa Degmada Doolow ku qaabilay Xildhibaana katirsan Barlamaanka Soomaaliya, wasiir hore iyo Ugaas Hassan Abdi Mohamed.
Xildhibaanada iyo wasiir hore ayaa Doolow u yimid ka qeybgalka Shirweynaha iyo Dib-u-heshiisinta Beelaha walaalaha ee muddooyinkii dambe ku dagaallamayay Degmada Luuq ee Gobalka Gedo.
Masuuliyiinta ayaa u mahadceliyay Gudoomiye Mohamed Hussein Abdi lafeey oo gogasha nabada dhigay Degmada Doolow iyo doorka taariikhiga ah ee u ku leeyahay ilaalinta nabadda iyo xasilloonida deegaanka.
Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Jubbaland wuxuu ku baaqay in masuuliyiinta ay muujiyaan is-maqal, isu-tanaasul iyo wadashaqeyn, si loo gaaro xal dhab ah oo dan u ah shacabka deegaanka iyo guud ahaan Jubbaland.
Kulanka waxaa qeyb ka ahaa Gudoomiyaha Degmada Doolow Mohamed Hussein Abdi lafeey, General Jamal Hassan sareey taliyahii Hay’adda nabad suggida iyo siyaasi Ahmed Hussein.