Cusbitaalka Afmadow oo lagu soo kordhiyey qayb cusub oo bixinaysa Adeegyo cafimaad ooh or leh.

0
784

Maamulka Cusbitaalka Afmadow ayaa cusbitaalka ku soo kordhiyey dhisme cusub oo loogu adeegaayo haweenka uurka leh ee ku nool Afmadow.

Dhismahan Cusub oo aan horay u lahayn Cusbitalka Afmadow ayaa wasaaradda Cafimaadka la kaashatay hay’adda MSF si loo hello meel ku Haboon in qaliin ku gali karaan haweenka u baahan adeegyada cafimaadka ee dhinaca qaliinka.

Madaxa cafimaadka Cusbitaalka Saleebaan Sheekh Maxamuud ayaa Radio Kismaayo uga warbixiyey,waxyaabaha ay soo kordhisay qaybta cusub ee lagu soo kordhiyey cusbitaalka Afmadow.