Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Jubbaland oo Furay Kulan Muhiim ah oo Lagu Dib-u-Eegayo loona Qorsheynayo Mashruuca Caafimaadka

0
96
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Jubaland, mudane Maxamed Xuseen Maxamed, ayaa furay kulan muhiim ah oo lagu falanqeeyay dib u eegida iyo Qorsheynta mashruca cafimaadka, WASH, e ECHO- SHIP consortium o ey ku mideysanyihin 5 heyadod e ey hogamineyso hay’adda World Vision.
Kulankan ayaa diiradda lagu saaray dib-u-eegista waxqabadka ilaa hadda la gaaray, qiimeynta habraacyada fulinta, iyo is-waafajinta qorshayaasha cusub ee lagu horumarinayo gaarsiinta adeegyada aasaasiga ah.
Waxaa si gaar ah loo muujiyay muhiimadda ay leedahay xoojinta tayada adeeg-bixinta iyo adkeysiga bulshooyinka ku nool deegaanada ay adag tahay in la gaaro.
Kulanka waxaa goob-joog ka ahaa qaar kamid ah agaasime-waaxeedyada wasaaradda iyo masuuliyiin kale oo ka kala socday Gedo, Diinsoor, SWS state ,Jubada Hoose, World Vision, iyo daneeyayaal kala duwan.
Intii uu kulanku socday, ka-qaybgalayaashu waxay si wadajir ah uga tarjumayeen hab-hawleedka mashruuc SHIP, iyagoo adkeeyay himilada iyo ujeeddooyinka wadajirka ah ee lagu taageerayo bulshooyinka nugul. Sidoo kale, waxaa la isla gartay in la sii xoojiyo iskaashiga hay’adaha iyo daneeyayaasha si loo xaqiijiyo natiijooyin waara oo wax ku ool ah.
Ugu dambeyntii, kulanka waxaa si rasmi ah u furay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Jubbaland, Mudane Maxamed Xuseen Maxamed, oo carrabka ku adkeeyay doorka muhiimka ah ee mashruuca ECHO uu ku leeyahay horumarinta adeegyada caafimaadka, isaga oo bogaadiyay dadaalka World Vision iyo bahwadaagta kale, kana dalbaday in la sii xoojiyo wada-shaqeynta si loo gaaro yoolalka la hiigsanayo.
Wasaarada Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Dowada Jubbaland ayaa wada qorshayaal ay wada jir u fulinayaan wasaarada iyo Deeq bixiyayasha wasaarada ka taageera arimaha caafimaadka taasoo si ween loo maareeyay qorshaha sanadkan iyo waxyaabaha la qaban doono.