Hay’adaha Amniga iyo Bulshada Kismaayo oo Kawada Hadlay Xoojinta Nadaafadda, Amniga iyo Horumarka Magaalada

0
87
Shirka isku xirka hay’adaha amniga iyo bulshada degmada ayaa lagu qabtay magaalada Kismaayo, waxaana shir-guddoomiyey Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha Bulshada ee degmada Kismaayo, Mudane Najiib Bare Salaad.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin kor u qaadista nadaafadda magaalada, ilaalinta iyo dhowrista wadooyinka cusub, iyo sidii ay bulshada iyo hay’adaha amniga si wadajir ah uga shaqeyn lahaayeen horumarinta bilicda iyo nabadgelyada magaalada Kismaayo.
Mas’uuliyiinta ka socotay hay’adaha amniga, maamulka degmada, iyo qaybaha bulshada ayaa kulanka uga hadlay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo iskaashiga iyo wacyigelinta bulshada, si loo ilaaliyo amniga iyo nadaafadda guud ee magaalada.
Shirka oo ahaa mid toddobaadle ah ayaa mid lagu xoojinayo lagu wada shaqeynta iyo xiriirka u dhexeeya hay’adaha amniga iyo bulshada, iyadoo la isla gartay in si wadajir ah looga shaqeeyo nabadgelyada iyo horumarka magaalada Kismaayo.