
Wafdigan oo uu hogaaminayay Xoghayaha Guud ee Madasha Samatabixinta, Dr Maxamad Aadan Koofi, iyo Madax sare oo qeeb ka ahaa safarkiisa ayaa maanta soo gaaray magaalada Kismaayo, oo ah caasimadda KMG ah ee Jubbaland.
Wafdiga ayaa si diirran loogu soo dhaweeyay Garoonka Caalamiga ah ee Diyaaradaha Kismaayo ee Sayid Maxamed Cabdulle Xasan, waxaana halkaas ku qaabileen mas’uuliyiin ka tirsan labada gole ee Dowladda Jubbaland, xildhibaano heer federaal ah, mas’uuliyiin kala duwan iyo maamulka dowladda hoose.
Wafdigan ayaa hordhac u ah madax iyo haldoor siyaasadeed oo ka mid ah kuwa ugu miisaanka culus dalka, kuwaas oo ku mideysan Madasha Samatabixinta Mustaqbalka Qaranka, iyaga oo maalmaha soo socda shir heer sare ah ku yeelan doona magaalada Kismaayo.









