Doorashada kuraasta ka harsan Aqalka sare oo maanta ka dhaceysa Jowhar

933

Qaar ka mid ah kuraasta hartay ee doorashada Xildhibaanada Aqalka Sare ku matali doono Maamul Goboleedka Hirshabeelle ayaa la filayaa in maanta lagu qabto magaalaa Jowhar ee xarunta Dowlad goboleedka Hirshabeelle.

Dardar gelinta Doorashada Seddex kursi ee ka harsan xildhaanada Aqalka Sare ku ayaa si aad ah kaga socota magaalada, iyadoo laamaha amniga si feejigan u sugayaan amniga doorashada iyo guud ahaan magaalada.

Guddoonka Baarlamaanka Hirshabelle ayaa sheegay in doorashadu ay sii soconeyso, islamarkaana ka shaqeynayaan in  si hufan oo xalaal ah ku dhacdo.

Inta badan maamul Goboleedyadda dalka ayaa soo saaray xildhibaanadii aqalka sare ku matali lahaa maamaladooda taas oo ka dhigan in uu dhawaan soo dhamaan doonto doorashada Xildhibaanada Aqalka Saree ee baarlamaanka dalka.