Horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta oo lagu dilay Gobolka Baay xilli ay ku howlanaayeen baadda shacabka.

56
Ciidanka xoogga dalka, gaar ahaan guutada 8-aad ee qeybta 60-aad ayaa howlgal ay xalay ka fuliyeen deegaanno ka tirsan gobolka Baay waxa ay ku dileen Cabdullaahi Caliyow iyo Najiib Cabdisalaan oo ka tirsanaa Khawaarijta, kuna howlanaa uruurinta baad ay ka qaadayeen dad shacab ah.
Howlgalkaas ayaa ka dhacay deegaannada Sarmaan-dheere iyo Mooro-busbus ee gobolka Baay, waxayna saraakiisha hoggaamineysay howlgalka u xaqiijiyeen Warbaahinta Qaranka in ay ku guuleysteen dilka dhagarqabayaashii bartilmaameedka u ahaa ee shacabka dhibaateyn jiray.