
Dugsiga Tababarka Ciidamada Jubbaland ee magaalada Kismaayo ayaa lagu qabtay munaasabadda qalin-jabinta ciidamo ka tirsan Miina Baarista ee Daraawiishta Jubaland, kuwaas oo muddo tababar gaar ah ku qaadanayay duleedka magaalada.
Tababarkan ayaa diiradda lagu saaray sidii ay ciidamadu ugu diyaargaroobi lahaayeen ka hortagga iyo nadiifinta miinooyinka iyo walxaha qarxa ee halista ku ah shacabka.
Munaasabadda qalin-jabinta ayaa waxaa ka qaybgalay masuuliyiin sar sare oo ay ka mid yihiin Wasiirka Amniga Dowladda Jubbaland, Taliyaha Ciidanka Darawiishta Jubaland, iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Jubaland,
Sidoo kale, sidoo kale Munaasabada waxaa goobjoog ahaa saraakiil ka socday hay’adaha amniga Jubaland, oo ay ku jiraan Nabad Sugidda, Booliska iyo qeybaha kale ee amniga.
Mas’uuliyiintii ka hadlay madasha ayaa ammaanay dadaalka iyo go’aan-adaygga ciidamada cusub, iyagoo tilmaamay in tababarkani uu qayb weyn ka qaadan doono xoojinta amniga iyo badbaadinta shacabka.
Ciidamadan cusub ayaa lagu wadaa inay door muhiim ah ka qaataan howlgalada amni ee ka socda Gobolka.


























