
Guddoomiyaha degmada Kismaayo ahna duqa magaalada, Mudane Cumar Cabdullaahi Maxamed, ayaa kormeer indho-indheyn ah ku sameeyay waddada hor marta maqaayadda Saytuun, oo ku dhow Saldhiggii hore ee degmada Kismaayo, halkaas oo haatan laga wado dhismaha waddo shub ah oo ka mid ah mashaariicda horumarineed ee laga hirgelinayo magaalada.
Kormeerkan ayaa ujeeddadiisu ahayd qiimeynta heerka uu marayo dhismaha waddada, tayadiisa iyo in la dardargeliyo howlaha socdo.
Guddoomiyaha ayaa kula dardaarmay shaqaalaha iyo injineerada ka shaqeynaya mashruuca in ay dedejiyaan howsha isla markaana ay ilaaliyaan tayada iyo nidaamka farsamo ee loo baahan yahay.
Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in maamulka degmada Kismaayo uu ka go’an yahay horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, gaar ahaan waddooyinka, si loo fududeeyo isu socodka dadka iyo gaadiidka, taas oo qeyb ka ah qorshaha ballaaran ee dib u dhiska iyo kobcinta adeegyada bulshada.