Wasaaradda Caddaaladda Jubbaland oo Kismaayo ka furtay tababar ku saabsan taageeridda hannaanka caddaaladda ee dhibbanayaasha tacaddiyada

0
236
Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Jubaland ayaa magaalada Kismaayo ka furtay tababar ku saabsan taageeridda hannaanka caddaaladda ee dhibbanayaasha tacaddiyada.
Tababarkan oo ay ka soo qaybgaleen qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa waxaa si rasmi ah u furay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Jubbaland, Mudane Cabdullahi Cabdiqaadir Aadan Qaanuuni oo ay wehliyeen Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Gargaarka iyo Shaqada, iyo Arrimaha Bulshada.
Ujeeddada tababarka ayaa ah in la xoojiyo fahamka la xiriira sida loo taageero loona dhiso hannaanka caddaaladda ee loogu adeego dhibbanayaasha tacaddiyada, laguna hormariyo doorka ay bulshada iyo hay’aduhu ka qaadan karaan ilaalinta xuquuqda dhibbanayaasha.