Wasaaradda Warfaafinta dowlada Jubbaland Oo Kismaayo Ku Soo Dhaweeysay Dalxiisayaal Caalami Ah

0
153
Wasaarada Warfaafinta Jubaland oo xoogga saareysa kobcinta dalxiiska iyo dhiirrigelinta quruxda dabiiciga ah ee gobolka, ayaa ku soo dhaweeysay magaalada Kismaayo koox dalxiisayaal ah oo ka yimid dalalka Mareykanka iyo Jarmalka. Booqashadan ayaa ku timid martiqaad iyo qorshe horumarineed oo ay hormuud u tahay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Jubaland, taas oo dadaal xooggan ugu jirta in Jubaland noqoto meel dalxiis caalami ah lagu dhiirrado.

Dalxiisayaasha ayaa markii ay ka soo dageen Garoonka Diyaaradaha ee Sayid Maxamed Cabdulle Xasan si diirran ugu soo dhaweeyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, iyagoo uga mahadceliyay booqashadooda iyo doorarkooda kor u qaadaya dalxiiska gudaha.
Martidu waxay booqdeen deegaanka quruxda badan ee Goobweyn, halka ay ku kulmaan Wabiga Jubba iyo Badweynta Hindiya, taas oo ah goob si gaar ah u muujinaysa bilicda dabiiciga ah ee Jubaland. Waxay halkaas ku qaateen waqti ay ku diirsanayeen muuqaalka biyaha isugu yimid iyo deegaanka hodanka ah ee dabiiciga ah.
Sidoo kale, dalxiisayaashu waxay kormeereen goobo qadiimi ah oo taariikh weyn u leh Jubaland, iyagoo aad u ammaanay sida wanaagsan ee ay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiisku ugu hawlan tahay ilaalinta dhaxalka dhaqanka, horumarinta goobaha la booqdo, iyo kobcinta dhaqaalaha dalxiiska.
Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Jubaland waxay mar kale xaqiijisay inay ka go’an tahay in Jubaland noqoto xarunta dalxiiska Soomaaliya, ayna sii wado horumarinta adeegyada, ammaanka, iyo soo dhoweynta martida ka imaanaysa gudaha iyo dibadda.