Guddoomiyaha Baarlamaanka Jubaland oo casho sharaf u sameeyay wafdiga siyaasiyiinta ah ee ka socday Deegaanada Koonfur Galbeed

0
229
Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowladda Jubaland, Sheekh Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan, ayaa casho sharaf u sameeyay wafdiga siyaasiyiinta ah ee ka socday Deegaanada Koonfur Galbeed, kuwaas oo ku sugan magaalada Kismaayo kana qeybgalaya Shirka Golaha Madasha Samatabixinta.
Casho sharaftan ayaa ahayd mid lagu soo dhoweynayay wafdiga martida ah, iyadoo ay sidoo kale goobjoog ka ahaayeen mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Jubaland, xubno ka socday labada gole, odayaal dhaqameed iyo marti sharaf kale.
Intii uu socday kulanka, Guddoomiyaha Baarlamaanka Jubaland ayaa adkeeyay muhiimadda wada-tashiga qaran iyo doorka ay dowlad-goboleedyadu ku leeyihiin dhismaha dowladnimo ku saleysan midnimo, is-qaddarin iyo wadashaqeyn. Wuxuu sidoo kale bogaadiyay ka qeybgalka wafdiga Koonfur Galbeed kasoo jeeda ee Shirka Aayo-katashiga Soomaaliya, isagoo xusay in guusha shirkaasi ay tahay mid dan u ah guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.
Casho sharaftan ayaa qeyb ka ahayd dadaallada lagu xoojinayo xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya dowlad-goboleedyada dalka, isla markaana lagu dardargelinayo is-afgaradka ku aaddan arrimaha masiiriga ah ee Soomaaliya.