Madaxweynaha Dowladda Jubaland ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Maareeyaha hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangalinta Qaranka

37
Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Maareeyaha hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangalinta Qaranka Cabdiwali Cali Cabdulle Timacadde oo howlo shaqo u yimid Jubaland.
Masuuliyiinta ka socday hay’ada NIRA ayaa Jubaland u yimid aragti uruurin ku aadan diiwaan galinta nidaamka Aqoonsiga Qaranka, Qorshe daah-furka xarunta hay’adda NIRA ay ku yeelanayso Jubaland iyo sida ugu fudud ee loo gaarsiin karo adeeggan heer degmo, heer deegaan ilaa heer tuulo.