
Magaalada Kismaayo ayaa maanta laga fuliyey olole ballaaran oo lagu jaraayo geedka garan-waaga (Cali Garoob), kaas oo muddooyinkii dambe si xawli ah ugu faafay hareeraha waddooyinka waaweyn, gaar ahaan laamiga dhex mara bartamaha magaalada.
Ololahan oo ay hogaaminayeen Guddoomiyaha Degmada Kismaayo ahna Duqa Magaalada, Mudane Cumar Cabdullaahi Maxamed, ayaa waxaa ka qaybgalay shaqaalaha nadaafadda iyo maamulka degmada.
Ujeeddada howlgalka ayaa ahayd dib-u-soo-celinta bilicda magaalada, baneynta waddooyinka, iyo yareynta khatarta uu geedkan ku hayo isu socodka iyo nadaafadda guud.
Guddoomiye Cumar Cabdullaahi Maxamed ayaa sheegay in geedka garan-waaga uu yahay mid dhaawac u geysanaya deegaanka iyo muuqaalka magaalada, isla markaana carqaladeeya qorshayaasha nadaafadda.
Sidoo kale Waxa uu xusay in ololahan laga dhigi doono mid joogto ah, lana gaarsiin doono dhammaan xaafadaha magaalada si loo xaqiijiyo nadaafad, nidaam iyo bilic waarta.














