
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Jubaland, Mudane Cabdullaahi Cabdiqaadir Aaden (Qaanuni), ayaa magaalada Kismaayo ka furay tababar ku saabsan curinta wadaxaajoodka u dhexeeya bulshada iyo hay’adaha caddaaladda.
Tababarkan waxaa ka soo qayb galay qeybaha kala duwan ee bulshada, sida odayaasha dhaqanka, haweenka, dhalinyarada, xeer-ilaalinta, booliska, asluubta iyo garsoorka.
Ujeeddada tababarkan ayaa ah in bulshada iyo hay’adaha caddaaladdu yeeshaan xirfado iyo faham ku saabsan curinta wadaxaajood wax ku ool ah, taas oo gacan ka geysanaysa xalinta khilaafaadka si nabad ah, isla markaana kor u qaadaysa kalsoonida, wada-shaqeynta iyo is-fahamka u dhexeeya labada dhinac.















