Guddiga Shaqaalaha Rayidka Dowlada Jubbaland oo tababar uqabtay qaar kamid ah agaasime waaxeedyada Wasaaradaha Jubbaland

0
46
Guddiga Shaqaalaha Rayidka Dowlada Jubbaland ayaa Maanta Tababar aqon kororsi ah uqabatay Agaasimayaasha Waaxyaha, Maamulka Maaliyada, iyo Saraakisha waaxyahaas.
Daah furka shirka Waxaa kasoo qaybgalay Kusimaha Wasiirka wasaarada Shaqada iyo arimaha Bulshada Mudane Ibraahim Maxamed Qooshow, kusimaha Gudoomiyaha Guddiga Shaqaalaha Rayidka Mudane Ahmed Mohamed abukar, Gudoomiyaha Guddiga arimaha Bulshada Golaha wakiilada xildhibaan shire, Madaxa mashruca CFSP Mr Hassan Abdinoor Sayid
Tababarkan ayaa ujeedadiisu ahayd sidii sare loogu qaadi lahaa hufnaanta hanaanka Maaraynta Maamulka Maaliyada Iyo shaqaalaha xarumaha Guud Ee Dowlada iyadonaTababarka uu Socon doona Mudo 9 Maalmooda.