Madaxweynaha Somaliland Oo Guddoomiyay Kulan Looga Hadlayay Xaaladda Laascaanood

570

Wararka laga helayo magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in xalay madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi uu shir guddoomiyay kulan aan caadi aheyn oo uu la yeeshay xubnaha guddiga amniga, kaas oo uu guddoomiye u yahay wasiirka arrimaha gudaha ee maamulkaasi, Mudane Maxamed Kaahin Axmed.

 

Shirkan oo ahaaa mid xasaasi ah ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ah madaxweyne ku xigeenka Somaliland, wasiirka gaashaandhigga, qaar ka mid ah golaha wasiirada iyo taliyaha ciidanka milatariga Somaliland, Nuux Taani kaas oo khadka taleefanka uga qayb-galay shirka isaga oo ku sugan jiida hore ee dagaalka ka socda magaalada Laascanaood.

Intiisa badan waxaa shirkan diiradda lagu saaray xaaladda adag ee haatan ka taagan Laascaanood, maadaama dagaalka uu qaatay in ka baddan 20 maalmood oo xiriir ah.

Madaxweyne Biixi oo madasha ka hadlay ayaa eedda ugu weyn dusha u saaray taliye Nuux Taani, waxaana uu shaaca ka qaadau inuu ka gaabiyay mas’uuliyaddii kaga aadaneyd dagaalka ka socda magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Sidoo kale waxaa shirka lagu go’aamiyay in la diyaariyo abaabul dagaal afar jiho ah, si ay markale ciidamada Somaliland dib ugu qabsadaan magaaladaasi.

Dhinaca kale xaaladda Laascaanood ayaa weli ah mid cakiran, waxaana lagu soo warramayaa in ay si horfadhiyaan labada dhinac ee ku dagaalamay halkaasi.

Dagaalkii ugu xooganaa oo shalay dhacay ayaa waxaa ku dhintay illaa 40 qof, halka ay ku dhaawacmeen in ka badan 100 kale, taas oo sii kordhineysa khasaaraha dagaalkaasi.