
Maxkamadda Darajada Koowaad ee degmada Dhoobleey ayaa maanta dil-toogasho qisaas ah ku ridday Jeelle Maxamed Cosmaan, kaas oo lagu helay dambiga ah inuu toorey ku dilay wiil 14 jir ah isla markaana dhaawacay mid kale.
Eedeysanaha ayaa horey gacanta ugu jiray booliska Dhoobleey, kuwaas oo baaritaanno dheer kadib kiiska u gudbiyay maxkamadda.
Xukunka waxaa ku dhawaaqay Guddoomiyaha Maxkamadda, Sheekh Maxamed Omar Yuusuf (Siraaji).
Goobta lagu dhawaaqay xukunka waxaa joogay ehellada wiilka la dilay iyo qaraabada eedeysanaha.










